Heesta: "Heesha Wardheer" | Wq Xasan Aaden Samater

Description

"Heesaha Wardheer," waxa curiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi ). "I esteemed eloquence highly, and was in raptures with poesy; but I thought that both were gifts of nature rather than fruits of study. Those in whom the faculty of reason is predominant, and who most skillfully dispose their thoughts with a view to render them clear and intelligible, are always the best able to persuade others of the truth of what they lay down, though they should speak only in the language of Lower Brittany, and be wholly ignorant of the rules of rhetoric; and those whose minds are stored with the most agreeable fancies, and who can give expression to them with the greatest embellishment and harmony, are still the best poets, though unacquainted with the art of poetry" ( René Descartes: Discourse on the Method of Rightly Conducting the Reason, and Seeking the Truth in the Sciences, 1637 ). "Those" mid ka mid ah ayaan ku garanayaa. Magaciis ha raago e, waxa la yidhaahdaa Hadraawi. Maxamed Ibraahin Warsame Waa abwaan, "fancies"-kiisa" iyo labadddaraadle "expression[s]"-kiisa ba, aan uu maankaygu ka wada guungaadhi kari doonin,... jeer na ba. Waayo, Fardus , Ina Said Diriraay, afka Aadmigu, ma wada qeexi karayo, ereyadiisu na kolla uma dhigmi karayaan dhammaan mooddooyinka (awaalka/fiirooyinka/aragt​iyoda/garabdaarka) weli maankeenna ugu dhex xayiranaan, awgeed in aynaan u wada heli kari doonin "ereyo iyaga (fikradaheenna) u taagnaan kari doono". Hawraarta Soomaaliyeed ee toolmoon: "Waxna idhi; waxna ii laaban"! Heerka caynkaas ah, qalalaasehaas taban, halkaaas oo yu'ashada ama tooyashada abwaanno badani ay intaa iska daba waalayaan: furfuridda "mooddooyinooda xujeysan,". Haddaba marka ay abwaannada qaarkood ay ku badxirmaan; abwaanno kale, ayaa jira, kuwaas oo si dadban ama ba "wareegaaleysi amase ba ah korkaxaadis oo kale -- si baaq ah -- maansadiisa u soo gudbin; maansadiisa, taas oo si gaw ku ah ula falgeli maankii iyo laabtii dhegeystehiisa (ama akhristehiisa ba); maanso weeye se, gudehii loojeediyeha (dhegeysteha/akhristeha) ka dhex shanqarin (kicin/toosin): dareenno xaadda na kicin (xadantooyin) iyo garashooyin horleh; mayee waa garaad; run ahaan, waa ba garaad runtii ah ugub. Abwaanno badan ee Soomaaliyeed "mooddooyin"-koodii," maleha, ay u caalwaayeen, kolka aan runta kuu sheego, kolley aniga ahaantay, Abwaan Hadraawi iyo afka maansooyinkiisa, iyo isla isaga codkiisa, ayaan uun ba marti iyaga ugu ahaan fahamkooda. Hadraawi waa abwaanka qudha oo aan aqaanno -- aqoonta aan ka hadlayaa waa suugaantiisa; haw qaadan mid isaga u qdhiisa ku saabsan -- kaas oo "dhinnaanta ereyadu," aan si ay fudud isagu u addoonsan kareynin. Horta hore ba maansoole badan ayaa ba isu dhiiba, horey na ka oggolaada: si Tibixqaarku ( ama Xarafraacu), uu iyaga "carrabkooda" u surto Xarqoodkiisa la yidhaahdo "Abwaan Caalwaa". Reer Abwaan Caalwaa, haayo ereyo badan way ku maanseyn karayaan; hayeeshee, hal ujeeddo na kuma soo gudbin karayaan, hal ulajeeddo oo si uun ama si kaleeto ba, innaga oo idil, inoo wada saameyn. Maansooyin kusheeggooda ba, waa calwasaad la moodo in uu misana kaaga gabyayo imo hadaaqbarad ah.

Comments
Powered by JomSocial